Sarkaal Shabaab ah iyo ilaaladiisa oo hal goob lagu dilay

alshabab somalia

Faah faahino dheeri ah ayaa laga helayaa howl-gal saacadihii la soo dhaafay ciidamada dowladda ay ka sameeyeen duleedka degmada Awdheegle ee gobolka Sh/ Hoose, gaar haan meel ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Howl-galka oo ah mid qorsheysan ayaa ka dhacay deegaanka Sham-gare ee gobolkaasi, waxaana fuliyey ciidamada milatariga Soomaaliya.

Mid ka mid saraakiisha ciidamada dowladda o u warramay warbaahinta ayaa sheegay inay dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab iyo 8 dagaalame oo ilaalo u aheyd.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ujeedka howl-galka uu ahaa sidii uga hortagi lahaayeen weerar uu sheegaay in Al-Shabaab ay ka soo qorsheynayeen halkaasi.

Ma shaacin dhankooda wax khasaare ah oo ka soo gaaray iska hor imaadka ay la galeen dagaalyahanada Kooxda Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa hadda degan, balse ciidamada huwanta ayaa weli dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka wada deegaano ka tirsan gobolka Sh/ Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here