Sarkaalad sare oo Al-Shabaab u qaabilsanayd Muqdisho oo la qabtay

shabaab sarkaal

Howlgal gaar ah oo taddobaadkii hore ka dhacay Muqdisho ayaa la sheegay in lagu soo qabtay haweeneey sarkaal sare ah oo ka tirsan madaxda Al-Shabaab ee Muqdisho.

Sida xoguhu sheegayaan ciidanka sida gaarka ah u tababaran oo laba habeen ka hor galay xaafadda Xamar Jadiid ayaa soo qabtay madaxii Al-Shabaab u qaabilsanaa canshuuraha gobalka Banaadir oo ah qof dumar.

Ciidankaan ayaa la sheegay in mid ka mid ah mobeellada ay isticmaasho haweeneydaan ay ku xireen qalabka sheega qofka meesha uu joogo kadibna ay galeen gurigeeda oo ku yaala Xamar Jadiid, waxaana sidoo kale halkaas laga soo qabtay 3 qof oo kale.

Guriga la wareeray oo albaabkiisa lagu furay bam-gacmeed, ayaa sidoo kale la sheegay in ay ku xirnaayeen kaamirooyinka qarsoon ee CCTV, sida ay noo sheegeen xubno kamid ah kooxdii weerarka fulisay.

Haweeneydaan oo la sheegay in ay badashay madaxii Al-Shabaab ee canshuuraha, kaas oo bilo ka hor isagana laga qabtay Muqdisho walina ku jira gacanta dowladda.

Waxey isticmaashaa dhowr SIM CARD iyo sidoo kale magacyo badan oo ay ka mid yihiin Marwo Sahro, Tabliiqada iyo magacyo kale.

Wali hay’adaha dowladda Soomaaliya kama aysan hadlin arrintaan waxaana la sheegayaa in ay ku socdaan baaritaano iyada iyo rag kale oo la soo qabtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here