Saudi Arabia oo ka hadashay rabshadihii Muqdisho ka dhacay

saudi flag

Dowladda Sacuudiga ayaa kusoo biirtay dowladaha ka hadlay rabshadihii Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya ku dhex maray dowladda iyo musharixiinta.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegtay inay si dhow ula socdaan xaaladaha Soomaaliya gaar ahaan khilaafka ka taagan Doorashada Soomaaliya iyo rabshidihii ugu dambeeyey ee ka dhacay Muqdisho.

Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda oo lagu daabacay Wakaaladda Wararka ee Sacuudiga ee SPA ayaa lagu sheegay in wadahadalka uu yahay xalka ugu fiican ee looga hortagi karo inuu dhaco dagaal dhiig ku daato.

“Wasaaradda Arrimaha dibadda Sacuudiga waxa ay indhaha ku heysay horumarka Soomaaliya & Dhacdooyinka walaalaheen Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waa wax laga xumaado in dhimasho iyo dhaawac dad ku noqdaan isku dhac ka dhacay Muqdisho,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga.

Sacuudiga ayaa dhinacyada khilaafka ka dhaxeyo ugu baaqday in si deg deg ah loo gaaro xal nabadeed oo lagu soo afjaro khilaafka taagan halkii la door bidi lahaa dagaal iyo rabshado.

“Waxa aan adkeyneynaa daganaanta walaalaha Soomaaliya oo aan leenahay waa in aad xal nabadeed ka gaartaan kuna dhammeysaan wax waliba oo la kala tabanayo si loo taageero nabadgalyada, Xasiloonida iyo wadajirka,” ayey tiri Wasaaradda.

Sacuudiga ayaa ugu dambeyntii dadkii ku dhaawacmay rabshahadaas u rajeysay caafimaad deg deg ah waxayna sheegtay inay murugada la qeybsaneyso qoysaska ay dadkooda dhibaatada soo gaartay.

Sacuudiga ayaa ku biiraya Dalal, Ururo & dadka kala duwan sida Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Afrika, IGAD & kuwo kale oo ka falceliyay isku dhacii habeen ka hor Muqdisho ku dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka & ilaalada Musharixiinta, dibadbaxyaasha lagu rasaaseeyay Caasimadda & khilaafka ka taagan Doorashooyinka Dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here