Saudi Arabia oo shaacisay go’aan ku saabsan labada Xaram iyo bisha Ramadaan

xajka

Dowladda Sacuudiga ayaa Isniintii dheereysay mamnuucidda dadweynaha ee ay kusoo rogtay Masjidka Xaramka iyo Masjidka Nebiga NNKH, taasi oo la sheegay inay sii socon doonto ilaa dhammaadka bisha Ramadan, si looga hortago faafitaanka cudurka Coronavirus.

Go’aanka ayaa waxaa lagu sheegay qoraal ay barta twitter-ka soo dhigtay Waaxda Arrimaha Labada Masjidka u qaabilsan qasriga boqortooyada.

Labada Masjid ayaa la sheegay in salaadda lagu tukan doono bisha Ramadan, hase yeeshee aan loo ogolaan doonin dadweynaha, taasi oo macnaheedu yahay in imaamyada un ay tagi doonaan.

Labada Masjid ayaa waxay leeyihiin Taleefishino oo si toos ah saaladda looga daawado caalamka, taasi oo sii socon doonta, balse aan loo ogolaan doonin shacabka.

Go’aankan ayaa yimid maalin kadib markii Golaha Sare ee Culimada Sacuudiga ay ugu baaqeen muslimiinta caalamka inay saaladaha ku tukadaan guryahooda inta lagu guda jiray bisha barakeysan ee Ramadan, haddii dalalka ay joogaan lagu soo rogo amar ah in bulshada kala fogaato, si loo xakameeyo faafitaanka cudurka Coronavirus.

Bisha Ramadan ayaa billaabaneysaa dabayaaqada toddobaadka soo socda, waxaana muslimiin badan ay isku diyaarinayaan Taraawiixda.

“Marka hore, Muslimiinta waa inay adeecaan go’aanada mas’uuliyiinta dalalkooda ama kuwa ay ku nool yihiin, ee looga gol leeyahay in lagu joogteeyo caafimaadka dadka, laguna xadido faafitaanka cudurka Coronavirus,” ayaa lagu yiri bayan kasoo baxay Golaha Sare ee Culimada Sacuudiga, oo ay baahisay Wakaaladda Wararka Sacuudiga ee SPA.

“Marka xigta, Dhammaan Muslimiinta waa inay soo ka fogaadaan isu-imaatinka, sababtoo ah waa waxa ugu weyn ee horseeda faafitaanka fayruska…waana in Muslimiinta xusuusnaadaan in bad-baadinta nolosha qofka ay tahay cibaado Allah loogu dhowaado.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here