Sawiro: Ciidanka dowladda oo la wareegey deegaan ay baneeyeen Al-Shabaab

ciidan Galmudug

Deegaanka Qaayib iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Galgaduud waxaa gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo isugu jira Boolis iyo Nabad Sugid, waana kuwa loogu talagalay iney hawlgallo ammaanka lagu sugayo ka sameeyaan gobolka.

Xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa isaga baxay deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud, waxaana la ogyahay in kooxaha Islaamiyiinta ah ay halkaas ku lahaayeen awood buuxda ka hor inta aysan isaga guurin maadaama ay ka war heleen ciidamada kusoo foolka leh halkaas.

Dadka ku sugan deegaanadaas oo xogo siiyay warbaahinta gudaha ayaa qiray in kooxahii gacanta ku hayay deegaanka ay isaga baxeen iyadoo aysan jirin wax dirir ah oo ay la galeen ciidamada Dowladda ee soo gaaray deegaanka.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug ayaa carabka ku dhuftay in Ciidamada ay hawlgallo qorsheysan ka fuliyeen deegaano ay ka mid yahiin Cadakibir, balse ma jiraan wax hadal ah oo kasoo yeeray saraakiisha hawlgalka hogaamineysay ee la wareegay deegaanka Qaayib.

Deegaano ka tirsan Gobolka Galdaduud ayaa waxaa ku sugan oo gacanta ku hayo kooxda Al-Shabaab, waxaana jiro qorsho uu Maamulka Galmudug ku doonayo in lagu xoreeyo deegaanadaas.

Ciidamo tiro badan ayaa waxaa tababar loogu soo gabagabeeyey meel u dhow Dhuusamareeb, waana ciidamada loogu talagalay in lagu weeraro meelo ay kamid tahay Ceelbuur iyo deegaano badan oo hoos tago.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here