Sawiro: Eedaysane Cabdirashiid Janan iyo Sarkaal ciidan oo Maxkamada la horgeeyay

cabdirashiid janan

Maanta waxaa Maxkamada Gobolka Banaadir la horgeeyay Wasiirkii Amniga Maamulka Jubbaland  Cabdirashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan ) kaas oo dowladda Soomaaliya ay xirtay.

Cabdirashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan )  iyo Buulle Aadan Maxamed, ayaa la horgeeyay Maxkamadda gobolka Banaadir waxaana loo heystaa eedo la xiriira dad rayid ah oo lagu laayay Degmada Doolow.

Faahfaahin dheeraad ah lagama helin qaabka ay u dhacday maxkamad soo taagitaanka Cabdirashiid Janan.

1 September ayaa Garoonka Aadan Cadde laga qabtay Cabdirashiid Janan xilli uu kusii jeeday Magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya.

Xariga ay Dowladda Soomaaliya u geystay Wasiirkii Amniga Maamulka Jubbaland  Cabdirashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan ) ayaa waxaa horay uga dhashay banaanbaxyo ay dhigayeen Shacab kasoo horjeeda xarigiisa.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay inuu Cabdirashiid Janan yahay dambiile isla markaasna cadaaladda la marsiin doono.

Hey’adda Amnesty International ayaa horey u sheegtay inay soo dhaweeneyso xariga Cabdirashiid Janan, waxayna ka codsaatay Dowladda in cadaaladda la hor geeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here