Sawiro Kulankii Farmaajo, Sisi iyo Uhuru

farmaajo sisi uhuru

Wadahadallo saddex geesood ah oo ay Magaalada New York ee dalka Mareykanka ku yeesheen Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Madaxweynaha Masar Cabdulfataax Al Sisi ayay dowladda Soomaaliya sheegtay in uu kusoo dhamaaday is faham.

Kulankan waxaa soo qabanqaabiyay Guddoomiyaha Midowga Afrika, ahna Madaxweynaha Masar Cabdulfataax Al Sisi.

Nuxurka Kulanka:

Nuxurka wada hadallada Madaxweyne Farmaajo, Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ee uu gogosha dhigay Madaxweynaha Masar oo ah Guddoomiyaha Midowga Afrika Mudane Cabdulfataax Al Sisi.

1. In xiriirka labada dal lagu soo celiyo halkii uu taagnaa horraantii Febraayo, 2019.

2. In la sameeyo guddi isku dhaf ah oo ka shaqeeyo kalsooni abuurista labada dal.

3. In kiiska dacwada badda loo daayo Maxkamadda Caddaaladda Adduunka.

4. In la sii joogteeyo wadahadalla.

Wabillaahi towfiiq

Cabdinuur Maxamed Axmed
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada JFS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here