Sawirro Aargada KM-0 ee magaalada Muqdisho oo si qurux badan loo dhisay

argo km zero6

Wakaalada horumarinta dhismaha qaranka Soomaaliyeed uu maareeye ka yahay Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) ayaa dib u dhis ku sameesay Aargada KM-O ee magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta si rasmi ah xariga uga jaray dib u dhiska lagu sameeyay aargada KM-0 .

Aargada KM-0 ayaa ah halka ay ka bilaabato tirada cabirka laga qaado guud ahaan gobolada dalka iyo degmooyinkiisa, waxaana darbiga aargadan lagu qoray qaar kamid ah degmooyinka dalka iyo inta ay isku jiraan.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ku amaanay Wakaalada horumarinta Dhismaha Qaranka dib-u-dhiska ay ku sameesay Aargadan, waxa uuna tilmaamay in dhismahan la qurxiyay ay ka qeyb qaadanayso bilicda Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here