Sawirro Alshabaab oo weerar ku qaaday Gobolka Lamu ee Kenya iyo gaadiid ay gubeen

Gaadiid la gubay2

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar culus oo saacadihii la soo dhaafay dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ay ku qaadeen qeybo ka mid ah gudaha wadanka Kenya.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa ka dhacay deegaanka Milihoi ee ku yaalla wadada isku xirta Lamu iyo Garsen oo uu dhismo ka socday.

Wararka ayaa sheegaya in qaar ka mid ah gaadiidka dhismahaasi ka shaqeynayey ay gubeen dagaalyahannada weerarka qaaday.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarka kadib uu iska hor imaad kooban dhex maray dagaalyahannada Al-Shabaab iyo ciidanka Booliska dalka Kenya, kadibna raggii weerarka fuliyey ay u baxsadeen dhanka kemaha ee magaaladaasi.

Taliska Booliska Lamu oo ka hadlay weerarkaan ayaa sheegay in u jeedadu aheyd in la beegsado saldhig ciidan oo ka agdhawaa halka uu iska hor imaadka ka dhacay.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay in marka laga tago baabuurta la gubay aanay jirin khasaare kale oo ka dhashay dhacdadaasi.

Muddooyinkii la soo dhaafay kooxda Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ka fuliso gudaha Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here