Sawirro Caasimadaha Soomaaliya iyo Qatar oo la mataaneeyey

Cumar filish iyo dhigiisa dooxa jamaal madar al naciim1

 Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxmed (Filish) oo la kulmay Dhiggiisa magaalada Dooxa ee dalka Qatar Mudane Jamaal Madar Al-naciimi ayaa la saxiixay heshiis lagu mataaneynayo labada Caasimadood.

Labada Guddoomiye ayaa isla falaanqeeyey fursadaha iskaashi iyo xoojinta xiriirka Dowladaha Hoose ee Muqdisho iyo Dooxa, waxa ayna qalinka ku duugeen heshiska mataaneynta labada Caasimadood oo ka kooban 10 qodob.

Heshiiska Maataneynta Muqdisho iyo Dooxa ayaa dhigaya in la isdhaafsado waayo-aragnimada dhanka shaqada iyo tayeynta shaqaalaha oo muhiimad gaar ah u leh Dowladda Hoose ee Xamar, maadaama muddooyinka danbe Maamulka Gobolku ay xoogga saarayeen tayeynta iyo horumarinta shaqaalaha Gobolka.

Sidoo kale, Heshiiskan waxa uu dhiirri gelinayaa isu-fur-furnaanta dhanka ganacsiga iyo maalgashiga ee labada Caasimadood, dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha oo Qatar ay kaalin muhiim ah ka qaadato iyo sidii loo tayeyn lahaa qalabka iyo xirfadda waaxyaha Dowladda Hoose ee fayo-dhowrka, bixinta adeegyada aasaasiga ah iyo bilicda magaalada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar oo uu kaga qeyb galay Madasha Dhaqaalaha ee Dooxa, waxa uuna kulan Doceedyo la qaadan doonaa Maayarada Caasimadaha Caalamka ee ka soo qeyb galay madashan, si uu u suuq geeyo fursadaha maalgashi iyo iskaashi ee ka jira Caasimadda Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here