Sawirro: Ciidamada Danab oo soo furtay carruur ay Al-Shabaab si xoog ah uga wateen waalidiintooda

caruur shabaab afduubeen

Ciidamada Xoogga Dalka qeybtiisa Kumaandooska ee Danab ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen Dagmada Kuntuwaarrey ee Gobalka Shabeellada hoose waxey ku soo furteen 33 Carruur ah oo aan qaangaar ahayn, kuwaas oo ay si qasab ah uga soo wateen waaliddiintooda kooxda Al-shabaab si ay u baraan afkaarta xagjirnimada ah ee ay aaminsanyihiin.

Ciidamada ayaa markii ay la wareegeen gacan ku heynta dagmada waxay tageen xerada lagu hayay carruurtaan  iyagoo markii soo furteen si nabad ah ugu wareejiyay eheladooda.

Sidoo kale Howlgalka oo bartilmaameedkiisu  ahaa horjoogeyaal iyo rag lagu dabajoogay oo ka tirsan Al Shabaab ayaa lagu soo qabqabtay Tobaneeyo ka tirsan kooxdaan oo qaarkood ku xirnaa Saldhigga Dagmada.

Inta howlgalka ay ciidamadu ku guda jireen ayay heleen xog dheeraad ah oo ku saabsan goobaha ay Al Shabaab ku diyaariyaan Qaraxyada, waxaana halkaas laga qabtay Miinooyin iyo Maadooyin farabadan oo qaraxyada loo adeegsado.

Taliska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid lasii qorsheeyay islamarkaana uu sii socon doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here