Sawirro: Ciidamada Xoogga oo gacanta ku dhigay doomo ay lahaayeen Al-Shabaab

doon shabaab

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa gacanta ku dhigay doomo ay lahaayeen maleeshiyada ururka Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa sheegaya in doomahan ay kooxda Al-Shabaab u adeegsan jireen inay kaga gudbaan webiga Shabeelle ee deegaanada Janaale, Awdheegle iyo Degwarir, si ay weeraro ugu qaadaan ciidanka qaranka.

Doomahan ayaa waxaa lagu soo qabtay howl-gal ay ciidanka halkaas ka fuliyeen saaka, waxaana tani ay wiiqi doontaa awoodda Al-Shabaab ay ku fulin karaan weeraro, sida ay sheegeen ciidanka.

Dhinaca kale, ciidamada ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerar ay maleeshiyada Al-Shabaab kusoo qaadeen fariisimo ay ciidanka ku leeyihiin Awdheegle, halkaasna ay khasaare ku gaarsiiyeen.

Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed S/guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa sheegaya inay halkaas ku dileen sagaal ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab.

Waxa uu intaas ku daray in sidoo kale ay maleeshiyadii weerarka soo qaaday ka furteen hubkii ay wateen, isaga oo sheegay inay rumeysan yihiin in khasaaraha gaaray Shabaabka uu intaas ka badan yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here