Sawirro Ciidamada Xoogga oo gudaha u galay degaanka CAMAARA

Ciidamada Xoogga dalka ee ka howlgala deegaanada Galmudug ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgal ku gaaray deegaanka Camaara ee gobolka Mudug, halkaas oo ay dhuumaaleysi ku joogeen Al-Shabaab.

Taliyaha qeybta 21-aad Genaraal Cabdcasiis Cabdullaahi (Qooje) iyo saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa horkacayey howlgalka qorsheysan ee lagu tegay halkaasi.

War ka soo baxay taliska qeybta 21-aad ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu sheegay in u jeedka uu yahay xaqiijinta amniga gobolka Mudug iyo sidii dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab looga saari lahaa guud ahaan gobolkaasi.

Taliye Qooje iyo saraakiisha la socda oo kulan gaar ah la qaatay waxgaradka iyo qeybaha bulshada ayaa uga mahadceliyey sida ay u soo dhaweeyeen.

Sidoo kale wuxuu ka dabaday inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, si loo xaqiijiyo nabad-gelyada deegaanka.

“Gaadiidka dagaalka ee Xoogga Dalka ayaa si rasmi ah ugu Sugan wadooyinka Camaara waxaana farxad iyo Reyn Reyn Ku soo Dhoweeyay Ciidamada Shacabka Camaara oo Mudoba Sugayay Tilaabadan” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska qeybta 21-aad.

Warkaan ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku ay sii wadi doonaan dhaq dhaqaaqyadooda, kuna gaari doonaan tuulooyinka hoos-yimaada Camaara.

“Taliska 21-aad ayaa qorsheynayey Mudooyinkanba Howlgalada Argagaxisada looga Saarayo Deegaanada ay Ku Dhuumaaleysanayaan ee Galmudug waana Tilaabo qayb ka ah Qorshaha Ciidamada Dowladu Ku Wiiqayaan Awooda Kooxda Alshabaab oo Haatan sii Daciifaysa” ayaa markale lagu yiri War-Saxaafadeedka ka soo baxay taliska 21-aad.

Xaaladda ayaa hadda ah mid yare kacsan, waxaana dadka deegaanka ay cabsi xoogan ka muujinayaan in dagaal uu ka dhoco halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here