Sawirro Darawal waday Gaari Qarax looga shakiyay oo baxsaday iyo biro ka buuxa gaariga

gaari biro sida xamar3

Saraakiisha Ciidamada ammaanka ee deegaanka Garasbaaley ayaa sheegay inuu baxsaday darawalkii waday gaari xamuul ah oo biro ay ka buuxaan, kaasi oo lagu qabtay duleedka Muqdisho.

Gaarigaan oo noociisa uu yahay Janta diyeeshe kuwa carada lagu qaado, ayaa waxaa ka buuxo biro jajaban oo fara badan

Ciidanka Miino Baarista Booliska oo baaray gaariga ayaa ka waayay waxyaabaha qarxa, balse waxaa la isweydiinayaa sababta gaarigaan biraha jajaban loogu soo raray ee la doonaayay in la soo galiyo Muqdisho.

Saraakiisha Ciidamada ammaanka ayaa sheegay inuu baxsaday darawalkii waday gaariga, balse la haayo ninkii Kirishbooyga ka ahaay gaarigaasi.

Gaarigaan ayaa la doonaayay meel qaldan in laga soo galiyo laamiga, maadaama Ciidamada ay xireen dhamaan jidadka soo gala wadada Afgooye, halkaasi oo dhismo laga wado.

Dadka reer Muqdisho ayaa wali xusuusta xasuuqii Shabaab ay u gaysteen ee ka dhacay Isgoyska Excontrol Afgooye, kadib markii gaari qarax ka buuxo halkaasi lagu qarxiyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here