Sawirro: DF oo Nairobi ka wareejisay shirarkii loogu qaban jiray

Shir addis ganacsiga

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, C/llaahi  Cali Xassan ayaa maanta si rasmi ah u furay aqoon-iswaydaarsi ku saabsan  habka ay Soomaaliya u yeelan lahayd xog-kaydiye Ganacsi “Trade Information Portal”. Aqoon-iswaydaarsigan ayaa waxa kasoo qayb galey Maareeyahah Dekadda Muqdisho, masuuliyiin ka socotay Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed iyo  Wasaaradda Ganacsiga iyo Warsshadaha oo hormuud ka ahayd abaabulka iyo isku dubbaridkaba.

 Aqoon-iswaydaarsigan oo socon doona laba cisho ayaa waxaa iska kaashanaya Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshaha iyo IFC oo ka mid ah Bangiga Adduunka (World Bank Group), waxaana lagu qabtay xarunta dalka Ethiopia ee Addis Ababa.  

Wasiirka oo khudbad dheer ka jeediyey kulankan ayaa ku dheeraday muhiimadda aqoon-isweydaarsigani u leeyahay dalka iyo kaalinta uu ka qaadan karo dhiirigalinta maalgashiga, daahfurnaanta ganacsiga iyo xog-iswaardaarsiga hay’adaha dawladda iyo sidoo kale rugta Ganacsiga Soomaaliyeed iyo guud ahaanba ganacsatada Soomaaliyeed. Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in xog-keydiyahan si fudud ay uga daalacan karaan daneeyayaasha Soomaaliya xogaha iyo shuruucda ganacsi ee Soomaaliya si ay ugu fududaato in ay dalka ay ganacsi ka sameystaan.  

Aqoon-iswaydarsigan oo ay bixinayeen khabiirro ka socda Bangiga Adduunka, iyadoo lagu faahfaahiyey hababka uu u shaqeeyo xog kaydiyahan iyo faa’iidada laga dhexli karo marka la sameeyo oo si habsami ah u socda.

Dhinaca kale, shirarkii iyo siminaaradii caalamiga ahaa ee hay’addaha dowladda loogu qaban jiray Nairobi ayaa waxay u muuqdaan in loo weeciyay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kadib khilaafka baahsan ee u dhaxeeya dowladdaha Kenya iyo Somalia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here