Sawirro: DF oo qalab caafimaad ku wareejisay HirShabelle iyo Galmudug

deeq coronavirus

Wasaaradda caafimaadka ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta qalab caafimaad oo loogu talagalay ka hortagga cudurka Coronavirus si rasmi ah ugu wareejisay maamullada HirShabelle iyo Galmudug.

Qalabkaan ayaa dowladda Soomaaliya waxa ay ka heshay Shiinaha, gaar ahaan maal-qabeenka Jack Ma, oo ah aas-aasaha shirkadda Alibaba oo qalabkaan ugu deeqay Afrika.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in qalabka sida toos ah loogu wareejiyey HirShabelle iyo Galmudug uu qayb ka tahay deeqo gaar ah loo qoondeeyey dowlad goboleedka ka jira dalka, si looga hortaggo faafitaanka COVID19.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey maamullada kale ee dalka u gaarsiisay deeq la mid ah tan, si loo xakameeyo cudurkaan oo halis ku haya caalamka.

Soomaaliya ayaa dhawaan xaqiijisay illaa saddex kiis oo caabuqa Corona ah oo laga helay dad ku sugan Muqdisho oo uu mid ka mid ah yahay qof Ajanbi ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here