Sawirro: DF oo soo furatay caruur ay si qasab ah ku askareysay Al-Shabaab

caruur askarayn shabaab

Maamulka gobolka Bakool ayaa ka warbixiyey howlgal ay ciidanka Xoogga dalka ku soo furteen caruur la sheegay in si qasab ah lagu askareeyey oo kooxda Al-Shabaab ku tababareysay deegaan hootaga gobolkaasi.

Guddoomiyaha amniga ee degmada Xudur, Mudane Ibraahim Isaaq Ibraahim (Shaati) oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in caruurtaasi oo gaaraya illaa sideed gacanta lagu soo dhigay, kuwaas oo lagu heystay deegaanka Doodaali ee gobolka Baay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in caruurtaasi inta badan si xoog ah looga qafaashay dhulka miyiga ah ee gobolka Bakool.

Mr. Ibraahim Shaati ayaa sidoo kale intaasi ku daray in u jeedka uu ahaa in caruurtan yar yar loo adeedsado dagaalka ay dalka ka wado kooxdaasi.

Xilliga la qabanayey ayuu sheegay in ay la socdeen mootooyin nooca seddex lugleyda ah oo marayey inta u dhaxeysa deegaannada Abal iyo Labaatan-Jirow, isaga oo carabka ku dhuftay in sidoo kale lala qabtay laba darwal oo kaxeynayey mootooyinkaasi.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in haatan caruurta lagu hayo saldhigga Booliska Xudur, halkaasi oo su’aalo lagu weydiinayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here