Sawirro Dhismaha jidka Muqdisho iyo Afgooye oo si habsami ah u socota

dhisme jid muqdisho afgooye2

War ka soo baxay Sanduuqa hormarinta (Qatar) ayaa lagu sheegay in uu si habsami leh uu u socdo mashruuca lagu dhisayo wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye

Kadib muddo dhowr bilood ah oo hakad uu kujiray mashruuca dhismaha wadadaasi ayaa hadana dhawaan dib loo bilaabay, iyadoo la arkayo howlwadeenada qaabilsan dhismaha wadada Muqdisho iyo Afgooye isku xirta oo adeegsanaya agab iyo gaadiid loogu talagalay fulinta howshaasi.

Qaab dhismeedka laamiga cusub ee la saarayo wadadaasi ayaa ah labo laami oo loogu talagalay gawaarida soo socda & kuwa sii socda inay isaga gudbaaan si fudud.

Isticmaalka wadada isku xirta Muqdisho iyo afgooye waa marin muhiim ah, waxaana isaga kala goosha dhamaan gaadiidka u safra gobolada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya,kuwaasi oo ku soo dhaca degmada Afgoye ee gobolka Shabeelada Hoose.

Muddo aan ka badneyn labo bilood ayaa la filayaa in lagu soo gebagebeeyo mashruucan oo uu maalgelinayo Sanduuqa horumarinta (Qatar), ayna fulineyso Shirkad Turki ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here