Sawirro Dhuusamareeb: Kaalin shiidaal oo dab ka kacay

dab kaalin shiidaal dhuusamareeb

Wararka aan ka heleyno Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in Goordhow kaalin shidaal oo ku taalla halkaas uu ka kacay dab xoogan.

Dabka ayaa waxaa uu yahay mid xoogan oo markii ka kacay kaalin shidaal lagu iibiyo, waxaana markii dambe uu kusii faafay Bakaaro ku yaalla agagaarka Xarunta kaalinta.

Dadka deegaanka Dhuusamareeb ayaa buux dhaafiyay goobta uu ka socdao dabka, isla markaana waxaa ay wadaan dadaalo lagu daminayo dabka, In kastoo uusan halkaas joojin wax gaadiid dab demis ah.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka ayaa goobta gaaray, kuwaasi oo amniga sugaya, waxaana mararka qaarkood ay ridayaan rasaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here