Sawirro: Diyaarad sida Guddoomiyaasha labada Aqal oo ka soo duushay Istanbul

Guddoomiyaasha labada Aqal

Waxaa goor dhow Garoonka diyaaradaha Istanbul ka soo kacday Diyaarad qaas ah oo sida wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, ayna wehliyaan Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, Xildhibaano ka tirsan Labada Gole.

Mas’uuliyiintan ayaa ka mid ahaa dadkii ku go’doomay dalka Turkiga, bil ka hor markii Adduunka oo dhan uu haliyay duulimaadyadii, kaddib markii cudurka safmarka ee Coronavirus uu ka dilaacay, ayna dad badan u dhinteen, kuwo kale oo aad u fara badan uu soo ritay.

Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa ku sugnaa dalka Turkiga, intii uu fasax ku jiray baarlamaanka labada aqal, waxaana ay wadajir u soo saareen baaq ku saabsan in furitaanka kulamada Baarlamaanka dib loo dhigay, sababo la xiriira Coronavirus.

Waxaa lagu wadaa in marka ay maanta dib ugu soo laabtaan Muqdisho ku dhawaaqaan qaab uu Baarlamaanka dib ugu bilaabi karo kulamadiisa, maadaama waqtiga u haray uu gabogabo yahay, isla markaana muddada Baarlamaanka 10aad ay ka harsan tahay illaa lix bilood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here