Sawirro: Farxadda masaajidada fayrasku xidhay ee dib loo furay

Barxadda Masjid Al Aqsaa

Masaajidada ugu magaca weyn ee barakaysan ayaa dib loo furay laba bilood iyo dheeraad ay u xidhnaayeen fayraska korona awgii, waxaana haatan la fasaxay in dadku ku cibaadaystaan iyadoo la raacayo xeerar adag.

Boqolaal Muslimiin ah ayaa saf u galay masaajidka Al-Aqsaa ee Quddus ku yaal, waa masaajidka saddexaad ee ugu xurmada badan diinta Islaamka, oo ay ku tukadeen salaaddii subax ee Axaddii.

Dadka qaarkood ayaa ku dhawaaqayey “Allaahu Akbar” halka kuwo kalena ay iyagoo qiiraysan dhulka dhunkaneyeen markay galaan masaajidka.

Si looga hor tago in fayraska dadku kala qaadaan, ayaa waxa gudaha masaajidka laga dhaqan geliyey xeerar ka hortag ah.

Dad ku sii qulqulaha albaabka masajidka Al-Aqsaa
Dad ku sii qulqulaha albaabka masajidka Al-Aqsaa

Dadka inta aanay masaajidka gelin waxa la cabirayey heer kulka jidhkooda, waanay kala fogaanayeen marka ay tukanayaan, qof kastana waxa lagu amray in uu sijaayad ama masalle u gaar ah soo qaato.

“Kolkii masaajidka la furay waxaan dareemay in aan mar labaad soo noolaaday, Allaa mahad leh” ayay tidhi Ummu Hishaam oo ka mid ah dadka reer Quddus oo iyadoo qiiraysan ku sii socotay masaajidka.

Masaajidka Al-Aqsaa iyo goobo kale oo barakaysan ayaa tan iyo badhtamihii bishii Maarij dadka laga xidhay oo aan lagu tukan bishii Ramadaan oo dhan.

Muddo ka horraysay iyo bishii Ramadaan oo dhan masaajidada laguma tukan
Muddo ka horraysay iyo bishii Ramadaan oo dhan masaajidada laguma tukan

In kasta oo weli halista fayraska korona taagan tahay, hadana dalal badan ayaa si tartiib ah u debcinaya xayiraadihii jiray oo waxa la furay goobihii barakaysnaa ee dadku ku cibaadaysan jireen.

Dalka Sucuudiga ayaa subaxnimadii Axaddii sidaas oo kale jawigu ahaa Masjid Al-Nabawi ee Madiina hortiisa oo dadku ku soo xoomeen.

Masaajidkaas ayaa ka mid ah 90,000 oo masaajid oo xukuumadda Sucuudigu haatan damacsantahay in dib loo furo.

Boolis hor tuban albaabada masaajidka Al-Aqsaa midkood

Boolis hor tuban albaabada masaajidka Al-Aqsaa midkood
Boolis hor tuban albaabada masaajidka Al-Aqsaa midkood

Ka hor intii aan la furin masaajidka ayaa waxa fariimaha qoraalka ah ee telefoonnada dadka loogu diray afaf kala duwan oo lagu wargelinayo xeerarka cusub ee tukashada, si looga hortago fiditaanka cudurka.

Fariimahaas waxa dirtay wasaaradda diinta iyo awqaafta waxaanay dadka ku waaninayeen in marka ay tukanayaan isu jirsadaan laba mitir (6.5 ft) iyo sidoo kale in aanay is gacan qaadin oo aanay is mucaanaqaynin.

Fariimo loogu diray telefoonnada ayaa lagu faray malaayiin qof oo Sucuudi ah in ay isku jirsadaan laba mitir markay tukanayaan
Fariimo loogu diray telefoonnada ayaa lagu faray malaayiin qof oo Sucuudi ah in ay isku jirsadaan laba mitir markay tukanayaan

Dadka waxa sidoo kale loo sheegay in ay guryahooda ku soo weysaystaan, maadaama goobaha weysda masaajidadu xidhnaan doonaan.

Salaadaha Jamaca ah ayaa sidoo kale lagu taliyey in aanay ka badan shan iyo toban daqiiqo.

Tallaabadani waxay qayb ka tahay debcinta xayiraadaha ee Sucuudigu wado
Tallaabadani waxay qayb ka tahay debcinta xayiraadaha ee Sucuudigu wado

Masaajidka weyn ee Xaramka ee Makka ku yaal ayaa se sii xidhnaan doona ilaa amar dambe ka soo baxayo.

Makka oo ah magaalada ay ku yaallaan goobaha ugu xurmada badan Islaamku ayaa sida caadiga ah waxa sannadkiiba masaajidka xaramka u soo dhoofa malaayiin qof, oo xaj ama cimra u socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here