Sawirro Guddoomiyaha G Banaadir oo xariga ka jaray dhismaha Xarunta degmada Hodon

cumar filish deg hodan

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud (Filish) ayaa maanta xariga ka jaray dhismaha xarunta degmada Hodan oo dib u dhis lagu sameeyay kadib markii ay ku burburtey qarax ismiidaamin ah.

Munaasabada xariga looga jarayay dhismahan daycatirka xoogan lagu sameeyay ayaa waxaa goobjoog ka ahaa qaar kamid ah mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir.

Dadweynaha ku nool degmada Hodon oo ka mid ah degmooyinka ugu waaweyn magaalada Muqdisho ayaa soo dhoweeyay dayactirka lagu sameeyay xarunta degmada.

Xaruntaan ayaa waxaa qarax loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa lagu weeraray 10 September 2018.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here