Sawirro Gurmadkii ugu horeeyey ee walaalaha Turkiga oo Muqdisho soo gaaray (Dhakhaatiir iyo Dawooyin)

gurmad turkey q excontrol3

Diyaarad weyn oo nooca ciidamadu isticmaalaan ah oo ay leeyihiin Ciidamada Dalka aan Walaalaha nahay ee Turkiga oo gurmad u siday dadkii shalay xasuuqa iyo waxyeelahada loogu geystay Ex-control ayaa saaka aroortii hore soo cagadhigatay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyadoo siday dhaqaatiir iyo sidoo kale daawooyin loogu talagalay in lagu baxnaaniyo dadkii shalay ku waxyeeloobay qaraxii ka dhacay Ex-Koontarool Afgooye. Diyaaraddan oo ah nooca milateriga ayaa leh qalab caafimaad.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yilmaz ayaa sheegay in diyaaradan ay sido daawooyin iyo dhaqaatiir, isagoo xusay in sidoo kale diyaaradda ay qaadi doonto dadka xaaladooda wax looga qaban waayo Muqdisho ee dhaawacyadooda ay culus yihiin.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya oo ka mid ah Guddi dowladda u saartay gurmadka dadkii dhibaatada ka soo gaartay qaraxa ayaa sheegay in diyaaradan ay siday daawooyin ay dowladda Turkiga ugu tala gashay in lagula tacaalo dadka qaba dhaawacyada.

Qaraxii weynaa ee shalay ka dhacay Ex Koontarool Afgooye ayaa waxaa ku geeriyooday 79 ruux, halka boqol ka badan ay ku dhaawacmeen.

Gurmadka Turkiga ayaa imanaya iyadoo aan Wadamadii carabtii aan xitaa tacsi la haynin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here