Sawirro hubkii Muqdisho lagu burburin lahaa oo ciidamada Maraykanku qabteen

hub ciidamada us qabteen1

Ciidamada Maraykanka ee waardiyeeya Badda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay hub farabadan oo Soomaaliya tuugo lagu soo gelin rabay.

hubka oo ay ku jireen tiro farabadan oo qoriga garbaha laga tuuro ee Basuukaha (RPG), BKM iyo AK- 47 loo yaqaan iyo rasaastoodii, ayaa waxaa bishan february 11-12 lagu qabtay xeebta Soomaaliya sida lagu qoray barta twitter-ka U.S.5th Fleet.

hubkan oo aad u farabadnaa ayaa u muuqda inuu qayb ka ahaa qorshe la rabay in lagu khalkhal gelinayo Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Soomaaliya ayaa sanadihii ugu dambeeyey waxay yeelatay cadow badan oo ka dagaalamaya in aanay dib cagaheeda isugu taagin.

hoos ka akhriso qoraalkii Ciidamada maraykanka oo English ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here