Sawirro Imaaraadka oo gargaar caafimaad ku wareejiyey DF Soomaaliya

deeq daawo imaaraadka

Diyaarad sida gurmad caafimaad, kana timid dalka Isu Taga Imaaraadka Carabta ayaa saaka soo caga dhigatay garoonka Aadan Cadde.

Deeqdaan oo ay la wareegtay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa waxaa loogu tala-galay ka hortaga cudurka Coronavirus.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradda ayaa keentay todobo tan oo gargaar ah oo ay dowladda Imaaraadku ugu deeqday Soomaaliya iyo 20 tan oo ka timid hay’adda WHO.

Waa gargaarkii ugu horreeyey ee ay Imaaraadku soo gaarsiiyo Muqdisho, tan iyo markii uu ka dilaacay cudurka saf-marka ah ee Coronavirus.

Sidoo kale Imaaraadka ayaa horay gargaarkaan mid la mid ah uga dajiyey magaalooyinka Hargeysa iyo Garoowe ee maamullada Somaliland iyo Puntland.

Soomaalia ayaa la daala dhaceysa xakameynta cudurkaan oo marba marka ka dameysa soo ridanayo dad hore, waxaana tirada haatan ay mareysaa illaa 60 kis.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here