Sawirro Ingiriiska oo gaadiid dagaal ku wareejiyey DF Soomaaliya

gaadiid ciidan2

Wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya ayaa gaadiid fara badan oo nooca dagaalka ah kala wareegtay dowladda Ingiriiska oo ka mid ah dowladaha sida weyn u taageero Soomaaliya.

Munaasabadda lagula wareegay baabuurtan oo ka dhacday magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale ku sugnaa xubno ka socda Ingiriiska, taliyaha qaybta 60-aad ee ciidamada Xoogga dalka iyo saraakiil kale.

Gaadiidkan oo ah kuwa casri ah ayaa waxaa loogu talagalay inay isticmaalaan ciidamada Xoogga ee dagaalka kula jiro kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka gaashaandhigga oo madasha ka hadlay ayaa u mahadceliyey dowladda UK, wuxuuna tilmaamay inay si deg-deg ah uga soo jawaabtay codsigii ay u direen.

“Waxaan u mahadcelinayaa dowladda UK oo nagu wareejisay gaadiid nooca dagaalka ah, ayna ka soo jawaabtay codsigeena oo ah in ay nagala qaybqaataan dib u dhiska Ciimadameena Qalabka sida.” ayuu yiri Wasiir Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe).

Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe taageero kala duwan ka heleysay saaxiibada Soomaaliya, waxaana dhowaan gaadiid gaashaaman oo casri ah ay kala wareegtay dowladda Turkiga oo iyana ka mid ah dalalka sida weyn u taageero Somalia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here