Sawirro: Ismiidaamiyihii isku qarxin rabay Guriceel oo xukun adag lagu riday

ismiidaamiye Maxamuud Cabdi Cabdiraxmaan

Maxkamada darajada koowaad ciidamada qalabka sida Soomaaliya ayaa maanta xukun adag ku riday labo eedeysane oo uu ku jiro ismiidaamiyihii isku qarxin rabay 23-kii May ee sanadkan xaflad ay ku sugnaayeen madax ka tirsan Ahlu Sunna oo ka dhaceysay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Eedeysanaha koowaad Maxamuud Cabdi Cabdiraxmaan oo ah ninkii fulin rabay qaraxa ismiidaaminta ayaa lagu xukumay xasbi daa’in, sida uu go’aanka ku dhawaaqay guddoomiyaha maxkamadda ciidamada, Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur (Shuute).

Sidoo kale Cali Dhubad Nuure Siyaad oo lagu eedeeyey inuu la shaqeynayey ninkaasi, islamarkaana ay ka wada tirsanaayeen Al-Shabaab ayaa isna lagu xukumay xabsi daa’in.

Guddoomiye Shuute ayaa sheegay in labada eedeysane lagu helay dambigii lagu soo oogay, islamarkaana ay qirteen, basle wuxuu tilmaamay inay heystaan fursad kale oo ay ku qaadan karaan racfaan, hadii aysan ku qanacin go’aankan maxkamadda ciidamada.

Ismiidaamiyaha la fashilyey ee Maxamuud Cabdi Cabdiraxmaan ayaa xilliga la qabanayey xirnaa jaakadda qaraxyada, waxaana isku duubay askari ka tirsan ciidamada ururka Ahlu Sunna Waljamaaca, kaas oo suura-galiyey in la fashiliyo qaraxa, lana qabto ninkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here