Sawirro Kaamirooyin aan noocooda horey loo arag oo lagu xiray jidadka Muqdisho

CCTV camera muqdisho

Waddooyinka magaalada Muqdisho qaarkood ayaa inta badan lagu xiray kaamirooyin cusub oo lagala socon doono dhaq-dhaqaaqyada.

Kaamirooyinkaan ayaa lagu arkay inta badan isgoyska wadada Makka Al-Mukarama ayaa ah kuwa loogu talagalay in lagu sugo Amniga.

Kaamerooyinka oo ah nooca CCTV ayaa ku duwan kuwii hore oo muddo kadib howlgab noqday, waxayna wataan baallooyin u gaara, anteenooyin iyo qalab kale, waxaana lagu bilaabay wadooyinka u dhow Madaxtooyada Soomaaliya iyo isgoysyada waaweyn.

Kaamirooyinkaan ayaa waxaa laga maamulayaa Xarunta Nabadsugidda ee Habar Khadiijo, waxaana halkaas lagu diyaariyey shaashado tiro badan oo lagala soconayo dhaqdhaqaaqa Isgoysyada magaalada Muqdisho.

Marka Isgoysyada Muqdisho dhan lagu xiro kaamirooyinkaan ayaa wuxuu qorshaha yahay in la furo jidadka xiran ee Muqdisho, iyadoo halkaas la dhigi doono kaliya ciidamo baarayo gawaarida, waxaana dhaqdhaqaaqa lagala socon doonaa kaamirooyinkaas.

Tallaabadaan ayaa kusoo aadeyso xilli Al-Shabaab ay amarro kusoo rogtay xarumaha ganacsiga waaweyn ee magaalada oo damiyey kaamerooyinkooda wadooyinka kusii jeeday, kadib markii qaar ka mida Kaamerooyinkaasi ay suurageliyeen in la garto xubno Al-Shabaab ka mida oo qaraxyo fuliyey.

Magaalada Muqdisho ayaa bilihii dhowaa ka nasatay qaraxyadii waa weynaa ee ay fulin jirtay kooxda Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here