Sawirro: Khayre oo booqday Injineeradii ku dhaawacmay qaraxii duleedka Muqdisho

kheyre dhaawac turkiya

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa saacadihii la soo dhaafay booqasho ku tegay isbitaalka Erdogan, Ex Digfer oo la dhigay Injineeradii Turkiga ee ku dhaawacmay weerarkii waddada Muqdisho iyo Afgooye.

Khayre ayaa ugu horreyn warbixin ku aadan xaaladda caafimaad ee Injineerada ka dhageystay maamulka isbitaalka iyo dhaqaatiirta.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ballan qaaday in dowladda Soomaaliyeed ay garab istaagi doonto Muwaadiniintaasi Turkiga ah ee ay waxyeelada soo gaartay, iyaga oo adeegaya walaalahooda Soomaaliyeed, kana shaqeynaya horumarka dalka.

Ra’iisul wasaare Khayre ayaa sidoo kale xusay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed aysan ilaabi doonin garab istaaga ay mar weliba ula heelan tahay dowladda Turkiga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladda ay ku dadaali doonto daaweynta dadkaasi ku waxyeeloobey qarixii Sabtidii la soo dhaafey lagu weeraraey Injineerada Turkiga xilli ay ku sugnaayeen Bar Koontorool oo ku taalla Afgooye.

Tan iyo wixii ka dambeeyey sanadkii 2011-kii Turkiga ayaa taageero kala duwan u fidinayey dowladda Soomaaliya, isagoo mashariic badan ka fuliya gudaha dalka.

Dowladda Turkiga, gaar ahaan wasaaradda arrimaha dalkaasi ayaa sidoo kale dhowaan sheegtay in aysan weerarada Al-Shabaab hakin doonin howlaha ay ka wadaan Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe sare u qaaday howlgallada ka dhanka ah dhismaha ka socda jidka Muqdisho iyo Afgooye oo ay dhisayso shirkad Turki ah, iyadoona maanta hakad la galiyey isku socodka wadadaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here