Sawirro Madaxweynaha KG oo booqday ciidamo loo diyaariyey Sh/Hoose

laftagareen booqday tababar booliis1

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa uu booqday Ciidamo Maamulkaas loogu tababarey Magalada Muqdisho.

Ciidamadaan oo tiro ahaa gaaraya 400 oo Askari ayaa ah kuwa ka tirsan Booliska Koonfur Galbeed, kuwaas oo lagu tababarey Xerada Tababarka ciidamada ee Janeraal Kaahiye ee Magaalada muqdisho, iyaga oo ka howlgeli doona Gobolka Shabeellaha Hoose.

Kormeerka ayaa waxaa Madaxweyne Laftagareen ku wehlinayey taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Xasan Maxamed Xijaar, waxaana uu kula dardaarmey Ciidamada inay waajibaadkooda u gutaan sidii loogu talo galaye.

Waxaa uu sheegay in Ciidamadaan ay ka howlgeli doonaan Gobolka Shabeellaha Hoose gaaran ahaan deegaannada dhawaan laga saarey xubnaha ka tirsan Ururka Al-Shabaab, isaga oo sheegay in qalabkooda loo dhameystiri doono.

29-kii Bishii December ee sanadkii tegay ee 2019 ayaa waxaa ciidamadaan tababarvmuddo u socdey loogu soo xirey xerada tababarka Janeraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho,kuwaas oo dhawaan la geyn doono Gobolka Shabeellaha Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here