Sawirro Madaxweyne Farmaajo oo sagootiyay dhaawacyo dalka Turkey loo qaaday

farmaajo sagootis dhaawac excon8

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle ku sagootiyay dhaawac 16 oo kamid ah dadkii rayidka ahaa ee ku waxyeelloobay qaraxii shalay lagu laayey shacabkii birmageydada ahaa ee ka dhacay isgooyska Ex-Kaantarool.

Madaxweynaha ayaa mid mid u dul istaagay dhaawacyadan oo xaaladdooda caafimaad ay aad u culus tahay, waxa uuna eheladooda u xaqiijiyey in dowladdu ay ku bixin doonto dadaal kasta sidii ay u heli lahaayeen daryeel caafimaad oo dhammaystiran. Muwaadiniintan ayaa ku naafoobay dhagarta ay soo maleegeen argagixisadu.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga taciseeyey labada muwaadin ee u dhashay dalka Turkiga ee ku shahiiday qaraxa Ex-Kaantarool iyagoo ku garabsiinayey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dib u dhiska dalkooda, wuxuuna Alle uga baryay inuu naxariistiisa janno ku abaal mariyo.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga gurmadkan caafimaad ee ay u soo direen shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan muwaadiniinteenna dhaawacyada ay kasoo gaareen qarixii wuxuushnimada ahaa ee ay soo abaabuleen aragixisada.

Ciidamada Madaxtooyada ayaa ka hor-istaagay Saxafiyiinta ku sugnaa Garoonka inay muuqaallada ka duubaan Madaxweynaha, intii uu sagootinayay dhaawacyada, waxaana kaliya muuqaalada duubayay Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada oo inta badan muuqaallada ay soo jarjarto la wadaagta warbaahinta duubayay ka fogeeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here