Sawirro Madaxweyne Farmaajo oo Villa Somalia ku qaabilay wiil Hargeysa Calanka Soomaaliya lagu xiray

farmaajo cabdiraxmaan aar2

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyadda Soomaaliya ku qaabilay Cabdiraxmaan Maxamed Cali (Aar) oo horey hargeysa loogu xiray kadib markii uu qaatay Calanka Soomaaliya.

Kulankan oo qoraal kooban iyo sawiro lagu baahiyay barta facebookga ee Villa soomaaliya ayaa lagu yidhi “Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa Cabdiraxmaan Maxamed Cali (Aar) oo caan ku noqday jacaylka iyo qaddrinta Calanka Soomaaliyeed ku maamuusay guddoonsiinta astaanta Qaranka keddib markii uu kulan dhiirrigelin ah kula qaatay Villa Soomaaliya” Ayaa lagu yidhi qoraalkaasi.

Cabdiraxmaan Maxamed Cali (Aar) ayaa dhawr bilood ka hor lagu xidhay Magaaladda Hargeysa, ka dib markii ay ciidamadu boolisku qabteen isaga oo xidhan dhar uu ku xardhan yahay calanka soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here