Sawirro: Madaxweyne Xaaf oo ku biiray shirka madasha iskaashiga Somalia

Shirka iskaashiga Somalia2

Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo markii diidanaa shirka madasha iskaashiga Soomaaliya ayaa ugu dambeyn maanta ku biiray shirkaasi oo shalay ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirka oo galay maalintiisii labaad ayaa waxaa sidoo kale maanta tegay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo lagu wado inuu xiro shirkaasi.

Sidoo kale waxaa kulanka ka qeyb galaya guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish, Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo HirShabelle, Cabdicasiis Lafta Gareen iyo Waare.

Madasha iskaashiga oo sanadkan markii ugu horreysay lagu qabanayo Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale lagu casuumay in ka badan 50 dolwadood oo daneeya arrimaha Somalia.

Intiisa badan kulanka ayaa waxaa diirada lagu saarayaa arrimaha amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo cadaaladda.

Gagabagada shirka oo galabta la soo xiri doono ayaa la filayaa in laga soo saaro Warmurtiyeed ay isku raacsan yihiin dhammaan xubnaha ka qeyb galaya shirkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here