Sawirro: Marwada 1aad ee Soomaaliya iyo Jaaliyadaha USA oo boqolaal kun u ururiyey Gurmadka fatahaada

marwada1 saynabcabsi mocallim9

Marwada Koowaad ee Dalka Marwo Seynab Cabdi Macallin ayaa Olole loogu gurmanayey dadka ay saameyeen fatahaaddu ee ay ku abaabulaysay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Maraykanka waxa ay gaarsiisay magaalada Seattle Washington ee waddanka Maraykanka.

Marwada dalka oo hadal ka jeedisay kulan ballaaran oo Jaaliyaddu ay soo qaban qaabiyeen oo ku saabsan howlaha gurmadka ayaa uga warbixisay dadaalada gurmadka ah ee ka socda gudaha wadanka ee ay iska kaashanayaan hey’adaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Soomaalidu waa dad dun fiican, deeqsina ah, diinteenna suubban ayaana noo tilmaameysa in xaqa iyo samafalka loo tartamo iyo in dan-yarta loo naxariisto. Midnimo aan muujinno markii culeys nagu dhaco, waxaan rajeynayaa in aan uruurinno dhaqaale wax tari kara dadka fatahaaddu saameysay”.

Marwo Seynab ayaa dul tilmaamtay doorka muhiimka ah ee ay tahay in Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Maraykanka ay ka qaataan u gurmadka walaalahood.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Seattle ayaa soo ururiyey lacag dhan $137,749 (boqol soddon iyo toddobo kun, toddobo boqol afartan iyo sagaal doolar) iyadoo horey ay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Columbus ay soo ururiyeen lacag gaareysa $137,000 (boqol soddon iyo toddobo kun oo doolar)

Marwo Saynab Cabdi Macalin ayaa maalmaha soo socda gaari doonto haddii, Alle idmo, magaalooyinka kale ee Mareynka si ay olalahan u gaarsiiso Jaaliyadaha Soomaaliyeed oo door muhiim ah ku leh howlaha samata bixinta dadkeenna dhibaataysan.


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here