Sawirro: Masuuliyiinta maaliyada DF iyo M goboleedyada oo shir uga furmay Uganda

beyle iyo wasiirada maamulgoboleedyada uganda

Shir u dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedka dalka ayaa maanta ka furmay magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Shirkan oo looga hadlayo horumarinta Maaliyadda dalka ayaa waxaa daah-furay wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Sidoo kale waxaa ka qeyb galaya xubno ka kala socda dowlad goboleedyada dalka iyo maamulka gobolka Banaadir.

Muddada uu socdo shirka ayaa waxaa diirada lagu saarayaa arrimaha Maaliyadda dalka iyo dadaallada deymaha looga cafinayo Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in ay ka wada shaqeyn doonaan, sidii loo mideyn lahaa shuruucda hagta dhaqaalaha dalka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay ka go’an tahay in si wadajir looga wada shaqeeyo horumarka Maaliyadeed ee dalka

“Waxaa dhammaan naga go’an inaan Wadajir Waajibaadkayaga u gudanno oo ku aadan dhanka Maaliyadda dalka” ayuu yiri Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Shirkan ayaa daba socda mid bishii September ee sanadkan wasiirka Maaliyadda Soomaaliya iyo kuwa maamullada dalka ku dhex maray dalka Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here