Sawirro Qaar ka mida dhaawacyadii cuslaa oo diyaarada la saarayo

dhaawac culus3

Diyaarad milateri nooca caafimaadka ah oo ay soo dirtay dowladda Turkiga ayaa xilligan la saarayaa dhaawacyada qaar ka mid ah dadkii shalay waxyeellada ka soo gaartay qaraxii weynaa ee ka dhacay Ex Koontarool Afgooye.

Tobaneeyo ruux oo la sheegay in dhaawacyadooda halis yihiin ayaa la saaray, waxaana la filayaa in goor dhow ay ka duusho garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo Safiirka Turkiga u qaabilsan Soomaaliya Mehmet Yilmaz ayaa ku sugan garoonka Muqdisho, si ay u sagootiyaan dhaawacyada halista ah ee loo qaadayo dalka Turkiga.

Wararka ayaa sheegaya in dhaawacyadan la geyn doono isbitaalo ku yaalla magaalada Ankara ee Caasimadda Turkiga, si loogu daweeyo, waxaana dhaawacyada yihiin kuwo dalka wax looga qaban waayay.

Dowladda Turkiga ayaa diyaarad kuwa caafimaadka ah u soo dirtay Muqdisho, taasoo saaka soo caga dhigatay, waxaana diyaaraddan siday daawooyin iyo dhaqaatiir ka qeyb qaadanaya howlaha gurmadka iyo la tacaalida dhaawacyada ee ku jira Isbitaalka Erdogan Ex Digfeer.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here