Sawirro Qabashada Araajida Musharixiinta Guddoonka Baarlamaanka Galmudug oo Bilaabantay

musarax gudoonka b galmudug1

Guddiga Doorashooyinka Guddoonka Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Maanta ka guddoomey Musharixiinta Guddoonka Baarlamaanka 2aad Araajida iyo Taariikh nololeedkooda.

Guddiga ayaa waxaa ay araajida iyo taariikhooda kala wareegeen Xildhibaan Maxamed Nuur Gacal, Xildhibaan Abdinaasir Aadan Cusmaan iyo Cabdulalahi Axmed Calasow oo isku-soo sharaxay xilka guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Sidoo kale waxaa ay araajida iyo taariikhooda kala wareegeen Maxamed Sheekh Axmed Maalin oo u tartamaya guddoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Galmudug iyo Xubno kale.

Guddiga Doorashooyinka Guddoonka Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa shalay oo Talaado aheyd waxaa ay soo sareen shuruudaha laga doonayo musharixiinta u taagan qabashada xilka guddoonka Baarlamaanka Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here