Sawirro: R/W KHEYRE oo booqday askartii lagu soo dhaawacay Ceel-Saliini

kheyre booqasho dhaawac ceelseliini1

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Isbitaalka xoogga ku booqday askar ka tirsan xoogga dalka oo ku dhaawacmay deegaanka Ceel-Saliini ee gobalka Shabeellada Hoose, halkaasi oo shalay ay weerareen dagaal-yahanada Al-Shabaab.

Qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa lagu yiri “Ra’iisul wasaaraha oo maamulka Isbitaallada xoogga ka waraystay xaaladda caafimaad ee ciidanka naftood hurayaasha ah ee ku soo dhaawacmay ilaalinta iyo badbaadinta nafta iyo hantida ummadda Soomaaliyeed dhaawacyada, ayaa halyaayada qaranka ee dhaawacyada qaba u rajeeyay in si dhaqsa u boqsoodaan askartii shahiidayna uu Allah Shahiidnimadooda ka aqbalo.”

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ciidamada qalabka sida u diyaariysay qorshe daryeel caafimaad oo dhammaystiran.

“Booqashada Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre waxay qeyb ka tahay dadaallada lagula soconayo xaaladda caafimaad ee dhaawacyada laguna dhiirri gelinayo ciidamada qaranka oo dhan.”

Ciidamada dhaawaca ah ayaa Ra’iisul wasaaraha uga mahadceliyay booqashada iyo dhiirri gelinta waxayna ballan qaadeen in marka ay soo bogsadaan ay dib ugu laabanayaan furimaha dagaalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa guud ahaan saraakiisha iyo ciidamada qalabka sida ee furumaha dagaalka jooga uga mahadceliyay dadaallada ay ugu jiraan sidii looga adkaan lahaa kooxda Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here