Sawirro Shirkadda AIRBUS oo sameysay nooc cusub oo dayuurad rakaab ah

airbus4

Shirkadda sameysa diyaaradaha ee qaaradda Yurub ee Airbus ayaa markii ugu horreysay daaha ka rogtay nooc cusub oo diyaarad rakaab ah.

Diyaaradda ayaa loo nashqadeeyay si ka duwan muuqaalka diyaaradaha caadiga ee hadda dunida laga isticmaalo ayaa dhowr goor la tijaabiyay. waxayna leedahay baalal dhaadheer oo gadaal u jeeda iyo af hore oo ka duwan ka diyaaradaha kale.

Noocan cusub ee diyaarad ee ay soo saartay shirkadda Airbus waxaa dhowaan lagu soo bandhigay bandhigga diyaaradaha ee Singapore.

Shirkadda ayaa la sheegay inay tijaabada arrintan ay sameyneysay tan iyo sannadkii lasoo dhaafay bartamihiisa, waxaana hirgelinta iyo sameynta diyaaradda ay sheegtay ay bilawday sannadkii 2017-kii.

Waxay shirkadda sheegtay in noocan cusub ee diyaarad ay noqon doonta mid rakaab oo dadku ay ku safri doonaan mustaqbalka, ka dib marka la hubiyo, waxaana la sheegay in boqolkiiba 20 ay yareyn doonto isticmaalka shidaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here