Sawirro: Somaliland oo xabsiga u taxaabtay 9 nin oo u dhashay Imaaraadka Carabta

xarig ugaarsato uae

Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa xabsiga u taxaabtay Niman u dhashay dalka Imaaraadka Carabta, kuwaasi oo ka dhoofi rabay garoonka diyaaradaha ee Cigaal.

Nimankan oo tiradoodu dhameyd ilaa 9-nin ayaa la sheegaya in ciidamada booliska Somaliland ay xireen xili ay u dhoofayeen garoonka Hargeysa, kuwaasi oo ku sii wajahnaa dalkooda.

Sagaalkan Nin ee u dhashay Imaaraadka ayaa waxay gudaha Somaliland kaga ugaarsan jireen si sharci daro ah, sida ay sheegeen Saraakiil ka tirsan ciidamada booliska Somaliland.

Naasir Xuseen, Agaasimaha Duur-joogta ee Wasaarada deegaanka Somaliland ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in ciidamadu xireen Sagaalkan Nin ee u dhashay wadankaasi Imaaraadka, kadib markii la ogaaday inay si sharci daro ah uga ugaarsan jireen deegaanada Somaliland.

Agaasimaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Xukuumadoodu ay sharciga marsiin doonto Nimankaasi, oo la sheegay in beryahan ku sugnaayeen deegaan lagu magacaabo Sabo-wanaag oo ay ka fulinayeen howlahooda ugaarsi.


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here