Sawirro: Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay adkeynta xiriirka labada dal

Axmed Ciise Cawad iyo Amir Faisal Bin Farhan Bin Abdallah

Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, ee Xukuumadda Soomaaliya  Axmed Ciise Cawad, ayaa kula kulmay dhigiisa Sacuudiga Amir Faisal Bin Farhan Bin Abdallah, magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Labada dhinaca ayaa waxaa ay ka wada hadleen dadaallada lagu xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga wadajirka ee dhinacyada oo dhan, iyo siyaabaha lagu gaari karo danaha u dhexeeya Muqdisho iyo Riyadh.

Waxay sidoo kale ka wada hadleen arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee danta labada dhinac ah iyo ahmiyada ay leedahay sii wadida wadatashiga iyo isku duwista arrimaha guud.

Dowladda Sacuudiga ayaa waxaa ay kamid tahay dalalka taageera dowladda Soomaaliya, iyada oo dhowr jeer lacago kala duwna ugu deeqday Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here