Sawirro Soomaaliya iyo Talyaaniga oo kala saxiixday mashaariic muhiim ah

wgw Claahi C X iyo Gugleilmo Giordano

Wasiirka ganacsiga xukuumadda Soomaaliya ayaa qalinka ku duugay heshiiska cusub oo ku saaban masharuuc lagu hormarinayo wax soo saarka dalka, kaas oo uu la galay hay’adda dhinaca horumarinta ee dalka Talyaaniga.

Mashruucaan oo ay fulin doonaan hay’adaha UNIDO, ILO iyo FAO ayaa waxaa si gaar ah loogu hormarin doonaa beeraha, kalluumaysiga iyo khayraadka kale ee dalka.

Munaasabadda heshiiskaan oo lagu qabtay xarunta safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya, ayaa waxa si wadajir ah u saxiixay wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya, Injineer Cabdullaahi Cali Xasan iyo madaxa hay’adda dhinaca horumarinta ee Talyaaniga Mr. Gugleilmo Giordano, iyadoona ay goobjoog ka ahaayeen safiirka dawladda Talyaaniga u fadhiya Muqdisho, Ambassador; Alberto Vecchi, madax ka socotay hay’adaha UNIDO, FAO, ILO iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Wasiir Cabdullaahi Cali Xasan oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in mashruucaani uu ahmiyad weyn u lee yahay guud ahaan dalka, waxaana uu tilmaamay in sidoo kale lagu horumarinaayo hay’adaha dawladda ee qaabilsan dhinaca Wax-soo-saarka dalka.

“Mashruucan oo ah mashruuc bilow ah, wuxu horumarin u yahay horumarinta qeybaha wax-soo-saarka ee dalka iyo in la dhiso hay’adaha qaabilsan wax-soo-saarka, runtii waa mashruuc ahmiyad weyn u leh dalka oo si aada loogga soo shaqeeyey, waxaana si wada-jir ah mashruucan uga soo shaqeeyey Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha iyo weli ba hay’adaha dawladda ee Wax-soo-saarka dalka”. ayuu yiri wasiirka ganacsiga.

Dhankiisa safiirka dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya, Alberto Vecchi oo isaguna munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay inay ka dawlad ahaan ay garab taagan yihiin Soomaaliya, islamar ahaantaana ay diyaar u yihiin inay si xoogan u la shaqeeyaan.

Talyaaniga ayaa ka mid ah dalalka sida dhow u taageero dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, iyadoona mashruucan lagu soo aadiyey xilli baahi looga qabay Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here