Sawirro Taliyaha Ciidanka Lugta ee Xogga dalka oo gaaray deegaanka Afbarwaaqo ee G Mudug

Tciidanka Lugta SG cxamiid M dirir3

Taliyaha ciidanka lugta ee xoogga dalka S/guuto C/xamiid Maxamed (dirir) ayaa gaaray deegaanka Afbarwaaqo, waxa uuna  kulan kula qaatay Odayaasha iyo Waxgaradka halkaas oo uu taliyihu u tagay sidii uu qeyb uga qaadan lahaa in lajoojiyo dagaal beeleedyo ka socda qeybo kamid ah gobolka Mudug.

Wafdigaan uu taliyaha horkacayo ayaa dhaawaan gaaray magaalada Gaalkacyo iyadoo u jeedku yahay sidii xal looga gaari lahaa dagaalka deegaanada Afbarwaaqo iyo Towfiiq.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa qorshahooda waxaa kamid ah in marka hore lakala qaado Maleeshiyaadka dagaalamaya kadibna labilaabo wadahadalo u dhaxeeya labada dhinac sida ay Warbaahinta u sheegeen saraakiil ka tirsan qaybta 21 aad ee Ciidanka Xoogga dalka.

Saraakiisha Ciidanka ayaa waxay odayaasha  dhaqanka Galmudug iyo Puntland usoo jeediyeen in ay kaalin ka qaataan sidii colaadaas loo damin lahaa islamarkaana waxay sheegeen in Dowlada Soomaaliya ay diyaar u yihiin tilaabo kasta oo nabada lagu taageerayo laguna dhameynayo dagaal beeleedyada ka dhacay Gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Odayaasha gobolka Mudug ayaa dhankooda ku baaqay in dagaalka lajoojiyo waxa ayna dhanka waxgaradka Puntland ka codsadeen in ay kala shaqeeyaan Taliyaha Ciidanka Lugta Soomaaliya iyo saraakiisha ku wehlisa safarkiisa loo ogolaado in ay kala qaadaan maleeshiyaadka Dagaalamay.

Dhawaan ayay aheed markii dablay hubaysan oo ka soo kale jeeda Maamuladda Puntland iyo Galmudug ay ku dagaalameen deegaanada Towfiiq iyo Afbarwaaqo, halkaas oo ay ku dhinteen tobanaan ruux oo ka mid ah Maleeshiyaadkii Dagaalamay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here