Sawirro Villa Somalia oo ka hadashay qado sharaf loo sameeyey Madaxda Maamulgoboleedyada

qado sharaf mg villa S8

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan qado sharaf ah ku maamuusay Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo si wada jir ah uga qeyb gali doona Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada.Kulankan qado sharafeedka ah oo ay ka soo qeyb galeen Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani, Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed ayaa hordhac u ah Shirka dhammeystirka qodobbadii ka soo baxay Samareeb-3 oo furmi doona 12-ka bishan.DHAMMAADWixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaE-mail: media@presidency.gov.soFlicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/Facebook: https://www.facebook.com/VilVilla Somalia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here