Sawirro Xaaf oo xalay si rasmiya Madaxweyne Qoor Qoor xilka ugu wareejay

xilwareejin xaaf qoorqoor3

Munaasabad uu xilka kula wareegay Madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa caawa ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Munaasabadaas ayaa waxaa kasoo qeyb galay Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo caawa xilkii wareejiyey, Madaxweyne ku xegeenka Galmudug, xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka federaalka, xildhibaanada Galmudug, odayaasha dhaqanka, siyaasiyiin iyo xubno ka socday qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynihii hore ee maamulka Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa xilkii ku wareejiyey Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, waxayna munaasabadda xil wareejintu ka dhacday xarunta Shiirkole ee magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweyne Xaaf ayaa maalmo ka hor Dhuusamareeb ka sheegay in uu u tanaasulay midnimada Galmudug, kadib khilaaf xoog leh oo ka dhashay qaban qaabada doorashadii Dhusamareeb ka dhacday ee uu kusoo baxay Madaxweynaha haatan Qoor Qoor, halka Xaaf-na maamul kale uu uga dhawaaqay magaalada Gaalkacyo, kaas oo sida muuqata uu ka tanaasulay.

Qabsoomidda munaasabadan xil wareejinta ah ayaa kusoo aadeysa, iyadoo dib loo dhigay munaasabadii lagu caleema saari lahaa madaxweynaha cusub Qoor Qoor.

Sababta dib loogu dhigay munaasabada caleema saarka ayaa la xariirta cabsida cudurka Coronavirus, lamana shaacin waqtiga rasmiga ah ee la qaban doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here