Saxaafada Maraykanka oo Iran ku eedaysay inay soo riday diyaaraddii Ukraine

ukraine international

Saxaafada Maraykanka ayaa tebinaysa in dalka Iran uu si khalad ah ay u soo riday diyaaraddii Ukrainian ee arbadacadii ku dhacday meel u dow Magaalada Tehran, taas oo ay saarnaayeen 176 qof.

CBC ayaa sheegtay ayaa tebisay in Sarkaal Maraykan ah uu sheegay inay rumaysan yihiin in Ukrainian International Airlines Boeing 737-800 uu gantaal ku dhacaywas hit by a missile, CBS says.

Dalka Ukraine ayaa horey u sheegtay in baarayaan in la soo riday iyo in kale, Taas oo Iran sheegtay inaan waxba ka jirin.

Diyaaradda ayaa burburtay saacad ka dib markii Iran ay gantaalaha ku garaacday saldhigyada Maraykanka ku leeyahay Iraq.

CBS News ayaa sheegtay in ilowareed laga helay saraakiisha Sirdoonka Maraykanku ayaa sheegay in satellite qabtay labo gantaal, iyo qarax daba socday.

Wargeyska Newsweek ayaa soo xigtay saraakiil Ciidanka iyo sirdoonka iyo kuwa Iraq oo aaminsan in diyaarada uu ku dhacay Gantaal Ruushka lagu sameeyo oo lagu magacaabo Tor.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa horey u sheegay inuu ka shakisan yahay in la soo riday.

YAA DIYAARADDA SAARNAA?

Dadka diyaarada ku haligmay waxaa ka mid ah 82 Iranians, 63 Canadians, 11 Ukrainian oo sagaal shaqaale yihiin, 10 Swedes, 4 Afghans, 3 Britons and 3 Germans, sida uu sheegay Wasiirka Arimaha Dibadda Ukraine Vadym Prystaiko said. 15 caruur ah ayaa ku dhintay.

Akhriso dadka ku dhintay iyo Dawladaha ay ka soo jeedaan.

graphic showing death toll

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here