Saynab: Dilal dhowr ah ayaan ka badbaaday, welina naftaan u hurayaa dalkayga

saynab xaabsey

Saynab Maxamed Warsame, waa Guddoomiyaha Degmada Warta-nabadda ee Muqdisho, waxay badbaadday weerar lagu qaaday xaafiska duqa magaalda Muqdisho 24-kii bishii Luuliyo.

Weerarkaasi waxaa ku dhintay dad badan oo saaxiibbo dhow ay ahayeen, waxaana dadkaasi ka mid ahaa duqii hore ee magaalada Muqdisho injneer Cabdiraxman Cumar Yariisow.

Saynab Xaabsey oo BBC-da uga warrantay wixii dhacay maalintii weerarka lagu soo qaaday ayaa sheegtay in maalinta ay ugu bilaabatay subax qurux badan oo ay u diyaar garoobayeen soo dhoweynta wakiilka Qaramada Midoobaday u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

”Diyaar garowgii kaddib, aniga, guddoomiyaha iyo asxaab kale oo aan isla shaqeeynaynay waxaan aadnay meel qado nalooga diyaariyay, kaddibna waan soo laabannay, waxaana galnay shirkii toddobaadlaha ahaa ee aan galno Arbaco walba”.

Waxay ku beegneyd 4-tii galabnimo iyo 27 daqiiqo, markii uu qaraxu dhacay sida ay noo sheegtay Saynab Maxamed Warsame.

‘Waxaan dareennay inuu wax dhacay, laakiin maanan garaneynin wuxuu ahaa, muddo 20 daqiiqo ah ayaan suuxsanaa, waxaan dhaqaajin waayay dhammaan xubnaha jirkeyga, waxba waan ka arki wayay indhaha, markii dambena waxaan ka war helay anigoo cisbtaalka jiifo”.

.
Seynab waxay isbitaal u gashay dhaawac kasoo gaaray weerar

Saynab waxay sheegtay in weerarkaasi ay ku wayday saaxiibbadeeda badankood, kuwii ay isla cuni jireen cuntada, maalinta inteeda badanna ay isla qaadan jireen.

‘Run ahaantii guddoomiyeyaal habeenkii dhan aad wada shaqeyneyseen, saaxiibbo aad muddo badan ahaydeen, qadadii aad isla soo cunteen, dhammaan intii aaggeyga fadhiday, kuwii iga soo horjeeday, kuwii agteyda fadhiyay, dhammaantood wey dhinteen, alxamdulillaah aniga Ilaahay ayaa ii qaddaray inaan noolaado”.

Inta qaraxa u dhicin ka hir
Inta qaraxa u dhicin ka hir

Seynab waxay BBC-da u sheegtay in dadka ay inta badan ku yiraahdaan ‘sidee dooneysaa inaad ku sii shaqeyso adigoo dhawac ba’an ku soo gaaray. Balse waxay sheegtay inaysan dhageysan dadkaasi hadalkooda.

”Qof walba wuxuu ku leeyahay shaqadan sideed ku bilaabeysaa, adigoo culeyskaas ku soo gaaray, laakiin aniga marna ma noqon doono qof ay dhibaatooyinkaas saameeyaan, waayo waxaan ku soo barbaaray xaaldaahas adag, diyaarna waxaan u ahay inaan dalkeyga u sii shaqeeyo”.

Saynab waxay sheegtay in saddex jeer la soo weeraray welina ay diyaar u tahay inay dhabarka u dhigato dhibaatooyinkaasoo dhan.

”Waa tiradii saddexaad oo ay cadowga i soo weerarayaan, 2013-kii ayey ahayd markii ay doonayeen inay i dilaan, laakiin Ilaahay ayaa iga badbaadiyay, sanadkan dhaxiisa bishii May, waxay soo weerareen xafiiska degmada, qaar ka mid ah shaqaalaha ayaa wax soo gaaray laakiin alxamdulillaah waan ka badbaadnay, waddankan wuxuu u baahan yahay inaan nafteenna u hurno”.

Dadka qaar ayaa aaminsan in Soomaaliya khatarta ka jirta aysan u bareeri karin qof dumar ah, balse Saynab waxay sheegtay in dadkaasi ay doonayaan inay niyad jabiyaan laakiin aysan ka yeeli doonin.

Saynab Xaabsey
Saynab Xaabsey

Saynab oo indhaheeda ay ilmada soo buux dhaafisay, ayaa sheegtay in dhaawicii ka soo gaaray weerarkii bishii Luuliyo dhacay uu jirkeeda wax gaarsiiyay, laakiin waxay aaminsantahay in noolasheeda ay u hureyso dalkeeda.

”Anigoo qalliin ka soo baxay ayaa la ii sheegay in duqa magaalada uu dhintay, aad ayaan u naxay, balse hadda qalbigeyga waa uu samray, wax yar oo dhaawac ah oo jirka iga gaaray maahee, taasina ima niyad jabin doonto, waayo saaxiibbaheygii an wada shaqeyneynay waxay u dhinteen ayaa meesha ka baxeysa haddaan aniga niyad jabo”.

Sanadkan Soomaaliya waxaa ku dhintay dad badan oo ay ka mid yihiin dad bulshada magac ku lahaa, waxaa dadkaasi ka mid ah, Hodan Naleyeh oo ahayd weriye Soomaali ah oo Canada ka timid, iyo Almas Elman oo ka shaqeyneysay arrimaha bani`aadannimada ayaa labadooduba la dilay iyagoo xaamilo ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here