Seynisyahan Soomaali ah oo ka bogsooday cudurka Coronavirus

saynisyahan Dhoore

Seynisyahaan Soomaali ah oo lagu magacaabo Xasan Cabdi Dhoore, islamarkaana uu ka dhacay Corona ayaa sheegay inuu hadda bogsooday, kadib markii uu isku karantiilay gurigiisa, kuna qaatay daawo kaalmaati ah.

Dhoore oo ka mid ah khubarada loo xil-saaray baaritaanka cudurka Coronavirus guud ahaan dalka Ingiriiska ayaa sharraxaad dheero ah ka bixiyey sidii uu uga caafdimaaday cudurka, kadib wareysi gaar ah oo uu siiyey laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xanuunka uu qabtay, isaga oo joogo shaqada, islamarkaana loo diray guriga oo uu markii dambe ku bogsooday.

“Anigoo shaqada jooga ayuu xanuunku i qabtay, kaddibna waxaa la ii soo diray guriga. Ma jirto meel xaqiiqo ah oo aan dhihi karo cudurka halkaas ayuu iga soo raacay, laakiin waxaan raacayay tareennada ay dadka badan saaran yihiin iyo basaska.” ayuu yiri.

Xasan ayaa sidoo kale intaasi ku daray “Horta wali ma jirto daawo soo baxday oo uu cudurkan leeyahay, sababtoo ah waa xanuun adduunka ku cusub. Aniga waxaan qaadanayay dawooyin kaalmaati ah, sida qandho jabiyaha loo yaqaanno barastimoolka, kaasoo aan labo xabo ka cunayay markiiba, sidoo kalena waxaan cabayay biyo badan.”

Dhinaca kale wuxuuu dadka Soomaaliyeed ku booriyey inay aaminaan jiritaanka cudurkaan, islamarkaana ay muujijaan feejignaan iyo taxadar dheeri ah.

Ugu dambeyn wuxuu carabka ku dhuftay in sameynta daawada Coronavirus ay qaadan karto wax ka badan hal sano, xilli xanuunkan uu faro ba’an ku hayo dalalka caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here