Shaakir: Mowqifka Ahlu Sunna waa in dalka laga suuliyo Al-Shabaab

sh Shaakir

Madaxa xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka hadlaayey weerarkii ismiidaamiinta ee shalay ka dhacay isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho ayaa tacsi kadib sheegay inay muhiim tahay in la xoojiyo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Shaakir ayaa tilmaamay inay ka go’an tahay sidii looga adkaan lahaa Al-Shabaab, isagoo sheegay in Ahlu-sunna ay tahay mida kaliya ee sida daacadda ah ula dagaalantay.

Sidoo kale wuxuu dowladda Soomaaliya ka dalbaday inay ku hoggaamiso dagaalkaan, si guud ahaa dalka looga saaro kooxda Al-Shabaab.

Madaxa xukuumadda Galmudug ayaa carabka ku dhuftay in moqfika Ahlu Sunna uu yahay in gabi ahaan dalka laga suuliyo kooxdaan, wadankana lagu soo celiyo amni.

“Ahlu-sunna Waljameeca waa cidda kaliya ee Al-shabaab la dagaallantay, deegaanno badanna ka xoreysay, mowqifka Ahlu-sunna Waljameeca waa in lala dagaallamaa nimankaan oo wadanka laga suuliyo, wadanka lagu soo celiyo amni, dowladda Soomaaliya waxaan ugu baaqeynaa iney nagu hoogaamiso ayna u aqoonsato culimada Soomaaliya iney yihiin, culimadaa dadka u damqaneysa.” ayuu yiri Sheekh Shaakir.

Ugu damgeyn wuxuu ugu baaqay Ummadda Soomaaliyeed inay u istaagaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, islamarkaana ay garab siiyaan dowladda federaalka ah si loo soo celiyo amniga iyo xasiloonida guud ahaan dalka.

Ahlu Sunna ayaa waxaa si aad ah loogu xasuustaa dagaalkii adkaa ee ay Al-Shabaab kula gashay qeybo ka mid ah Muqdisho iyo sidoo kale gobollada dhexe ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here