Shabaab ku la’day qarax ay gaari ku diyaarinayeen

alshabab somalia

Wararka laga heleyso koonfurta gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa waxa ay sheegayaan in xubno Shabaab ah uu ku qarxay gaari ay qarax ku diyaarinayeen.

Dad ku nool deegaan lagu magacaabo Dabagalo oo hoos taga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa sheegay in mar qura ay galabta ka war heleen qarax aad u xoogan oo ka dhacay xarun ay Al-Shabaab ku leeyihiin deegaankaas.

Dadka noo waramay ayaa sheegay in seddaxdii maalmood ee lasoo dhaafay ay Al-Shabaab ku howlanaayeen diyaarinta gaarigaas qaraxa lagu xirayey, wallow aysan sheegin halka loo waday.

Dhamaan xubnihii diyaarinayey qaraxa ku xirayey gaariga iyo dagaalyahano kale oo ku sugnaa xarunta lagu dhex sameynayey ayaa la sheegay inay goobta ku dhinteen, sidoo kale waxay dhaawacyo soo gaareen inta badan dagaalyahanadii kale ee ku sugnaa xarunta, in kasta oo aan la xaqiiji karin tirada rasmiga ah ee Al-Shabaab uga geeriyootay qaraxaas.

Ma cadda wali halka ay Al-Shabaab doonayeen inay ku weeraraan qaraxa fashilmay, waxaana xusid mudan in habeeno ka hor qarax is-miidaamin ah oo loo adeegsaday gaari uu ka dhacay magaalo madaxda gobolka Mudug ee Gaalkacyo.

Waxuuna bartilmaameedka qaraxaasi ahaa saraakiil ay ka mid ahaayeen Taliyaha ciidanka dhulka iyo kan qeybta 21-aad ee Militeriga Soomaaliya, kuwaas oo ka badbaaday, waxaana qaraxaas ku dhintay kuna dhaawacmay dad u badnaa rayid.

Sidoo kale qaraxaan fashilmay ayaa ku soo aadaya iyadoo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ay ka socdaan dadaallo lagu yagleelayo maamul cusub oo ay yeelato Galmudug.

Dhuusamareeb iyo magaalooyinka waaweyn ee Galmudug ayaa aad loo adkeeyey amaankooda, waxayna ciidamada amaanku si joogto ah uga sameeyeen howlgallo iyo baaritaano guri-guri ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here